Maxaa ka jira in ciidamada dowlada ay ruqsad la’aan weerareen hoyga C/raxmaan C/shakuur?

Avv. Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qareenka u doodayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shalay galinkii Dambe la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xeer ilaalinta Qaranka iyo ciidamadii weeraray guriga siyaasigan aysan heysan ogolaansho Maxkamadeed.

Hadalkan ayaa yimid xili wasaarada amniga dowlada Somalia ay horeu sheegtay in ciidanka weeraray hoyga C/raxmaan C/ shakuur ay wateen ruqsad balse lagala hor yimid rasaas iyo dagaal ay sameeyeen ilaalada C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu intaas ku daray Avv. Tahliil Xaaji Axmed in uusan jirin sharci fasaxaya in habeen saq dhexe la weeraro guryo dad shacab ah, hadii uusan jirin fal dambiyeed halis ah.

“Xeer ilaalintu waxay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur u cuskadeen eedeymo ay ku sheegeen inuu maleegayay shirqool iyo qarandumis, caddeyna uma hayaan eedeyntooda” ayuu yiri Qareenka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u qabatay 24 saac Xeer ilaalinta inay cadeymo u keenaan dacwadda ay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku soo oogeen taasoo maanta ku eg, iyadoo beri la filayo in Maxkamada ay go’aan ka gaarto xariga siyaasigan ka tirsan mucaaradka dowlada.

Xiisad siyaasadeed iyo muran badan ayaa ka dhashay xariga siyaasigan oo muddooyinkan shaqo ka dhigtay faafinta waxyaabo ay dowladu dhibsatay, dadka qaar ayaa dowlada ku dhaliilay qaabka dowladu u martay xarigiisa, iyadoo dad kalena ay soo dhoweeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -