Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Liibiya: Aas wadareed loo sameynayo Meydadka kumanaan qof (Sawirro cusub)

Dadka ku nool Magaalada burburtayee Derna oo ku taalla dalka Liibiya ayaa si quus ah u baadigoobaya eheladooda la la’yahay ka dib markii ay daadad masiibo ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof, qaar badana ay badda la tagtay.

Meelo badan oo ka mid ah magaalada saaran xeebta badda Mediterranean-ka ayaa waxaa baabi’iyay togag biyo ah oo ay ku soo rogmatay duufaan xooggan oo habeenimadii Axadda ku dhufatay iyo biyo xireenno ku soo jabsaday magaalada. Dhismayaal dhowr dabaq ah ayaa dumay oo ay ku jireen qoysas hurday.

Saraakiisha ayaa tirada la la’yahay ku sheegay 10,000 oo qof. Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegtay in tiradaasi ay tahay ugu yaraan 5,000.

Usama Al Husadi, waa 52 jir darawal ah, tan iyo markii ay musiibadu dhacday waxa uu baadi goobayay xaaskiisa iyo shan carruur ah oo uu dhalay. ” Lug ayaan ku maray anigoo raadinaya… dhammaan isbitaallada iyo iskuullada ayaan tagay laakiin nasiib uma yeelan,” ayuu u sheegay Reuters, isagoo madaxiisa gacmaha ku haya.

Husadi oo habeenka duufaantu dhacday shaqo ugu maqnaa magaalo ku dhow Derna ayaa mar labaad garaacay teleefankii xaaskiisa balse Waa la damiyay. “Waxaan weynay ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan qoyska aabbahay, inta u dhaxaysa maqan iyo dhintay,” ayuu yiri.

Xeebta ayaa waxaa buux dhaafiyay dhar, alaab ay ku ciyaarto, alaab guri, kabo iyo agab kale oo uu daadku ka qaaday guryihii.

Waddooyinka waxa qariyey dhoobo qoto dheer oo ay daadsan yihiin geedo la rujiyey iyo boqollaal baabuur oo burburay.

Dhimashada ay saraakiisha ilaa hadda bixiyeen waa kala duwanaayeen, balse dhammaan waa kumanyaal.

Hichem Abu Chkiouat, oo ah wasiirka duulista rayidka ee maamulka ka arrimiya bariga Liibiya, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ka badan 5,300 oo meyd ah la tiriyey ilaa hadda, wuxuuna sheegay in tirada ay u badan tahay in ay aad u korodho oo laga yaabo in ay xitaa laba jibaarto. “Badda waxay si joogto ah u soo celisaa saacad walba tobanaan mayd”, ayuu yiri.

Related posts

(Akhriso) Midowga Musharixiinta oo xiisada ka taagan Baladweyne ku eedeeyey Farmaajo

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in RW Rooble uu isku soo taagayo doorashada Madaxweynaha?

Caydiid Ali

Meydadka dad ay Dileen Diyaaradaha Mareykanka oo la aasay (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---