Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo diyaaradaha Qumaatiga u kaca geysay Raaskanbooni (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose , wali ku daabuleysa ciidamo iyo saannad milatari oo lagu xoojinayo ciidanka xoogga dalka ee Gorgor iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad loo yaqaan.

Shirkadaha diyaaradaha ee dalka ayaa diiday in ay ka degaan deegaanka Raaskanbooni ayna halkaasi geeyaan ciidan iyo saanad milatari, waxaana diyaaradahaasi horey digniin adag ugu diray dowlad goboleedka Jubbaland oo kasoo horjeeda ciidanka la geenayo Raaskanbooni.

Waxaa maanta deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbalada Hoose ka degay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicobterka, kuwaa oo ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka, diyaaradahan ayaana geeyay raaskabnooni saannad muhiim u ah ciidanka xoogga dalka.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaana ciidanka ka caawinaya helitaanka agabyada muhiimka ah ee u baahan yihiin, waxa ay sidoo kale diyaaradahan halkaasi geenayaan  ciidamo cusub oo ku biiraya kuwii horey halkaasi u joogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Qaabilay Mauri Starckman iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ka furmay Beijing (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dil maanta ka dhacay Koontarool ciidan oo kuyaala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---