Allbanaadir.com
NEWS

Dowladii ugu horeysay caalamka oo safiir haweeney ah u magacowday dalka Sacuudiga

Saxaafada dalka Belgium ayaa baahisay in dowlada wadankaas ay u magacawday Sacuudiga Safiir haweeney ah.

Dominique Mineur oo hadda ah danjiraha Belgium u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan u safreysa Magaalada Riyadh ee Caasimada Sacuudiga, si ay waraaqaheeda ugu gudbiso Boqorka Sacuudiga.

Talaabadan ayaa Belgium ka dhigeysa dowlada ugu horeysay caalamka ee safiir haween ah u magacowda dalka Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga oo lagu dhaliilo xoriyad la’aanta haweenka ayaa dhowaanahan ku talaabsaneysay isbedelo la xiriira hagaaaajinta xuquuuqda haweenka.

Haweenka dalkaas ayaa loo fasaxy iney kaxeeyaan gaadiidka oo markii hore aan loo ogolaan jirin sidoo kale waxaa fasaxay iney geli karaan garoomada ciyaaraha si ay soo daawadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Haweeney Xaamilo aheyd oo Madaxa musbaar looga suray si ay u dhasho Wiil !(Sawirro)

Cabdi Cade

Dad ka badan 100 qof oo ku dhintay duufaan ku dhufatay Gobolka Sikkim (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Oday ah oo Sadex Dhacdo oo Cajiib ah hal mar isugu soo aaday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---