Jabuuti oo soo bandhigtay Maraakiib dagaal oo ay soo iibsatay (Sawirro)

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigay maraakiib dagaal oo ay soo iibsatay Jabuuti.

Maraakiibtan oo isugu jira kuwo ilaalada xeebaha iyo kuwo kale oo ay adeegsadaan ciidamada Badda

Hadafka maraakabtan ayaa ah hubinta la socodka badda Jabuuti, baadi goobka iyo samata bixinta badda, la dagaalanka tahriibinta dadka, la dagaalanka dhammaan noocyada khataraha sida burcad badeedda iyo galbinta cutubyada maraakiibta waaweyn sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda Jabuuti

Taliyaha ayaa intaas ku daray in sido kale maraakiibtan ay ka qeyb qaadan doonan hawlo lagu hubinayo hawlgallada kormeerka badda, oo ay ku jiraan marin-biyoodka Bab el-Mandeb, ilaalinta biyaha hoos yimaada Jabuuti, la dagaallanka gaadiidka sharci darrada ah ee aagga dhaqaalaha iyo gaarka ah

Madaxweyne Geelle ayaa isna sheegay in talaabadan ay ka turjumeyso sare u kaca awoodda Ciidanka Badda Qaranka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -