Taliban oo amaro cusub ku soo rogtay haweenka ka shaqeeya Warbaahinta

Taliban ayaa haweenka weriyeyaash ah ku soo rogtay amar looga mamnuucay inay ka soo muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan.

Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan caddeyn oo ay ku habboon yihiin in la sharraxo.

Taliban ayaa la wareegtay awoodda Afghanistan ​​bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad badan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado adag.

Kooxda la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa ​​islamarkiiba ku amray gabdhaha iyo haweenka dhalinyarada ah in ay guryahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.

Xubin ka tirsan urur ay leeyihiin suxufiyiinta Afgaanistaan ​​ku sugan oo lagu magacaabo Xujjatullah Mujaddedi, ayaa sheegay in ku dhawaaqista xayiraadaha cusub ay tahay mid lama filaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -