Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqisho

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow abaare 8:10 fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Qaraxan oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimada ayey wararka hordhaca ah ee na soo gaaraya sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka kaalin shidaal oo yu taalla wadada isku xirta taalada daljirka dahsoon iyo Ex-hotel Jubba dhinaca degmada Boondheere.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaari nooca raaxada ah uu halkaas ku qarxay. waxaana xiran wadooyinka gala goobtaas oo ay isku gedaameen ciidamada amaanka.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta ayaa halkaas ka daabulaya dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas oo illaa hadda aan tirakoob sax ah laga heynin.

La soco faahfaahinta goor dhow insha ALLAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -