Madaxa Hay’ada WHO oo Laga Codsaday In uu Iscasilo iyo sababta keentay

Hay’ada caafimaadka Adduunka WHO ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul dareesatay kahor tagida cudurka sida weyn dunida xiligan ugu faafaya ee Caronavirus , cudurkan ayaana qal qal badan ku beeray daafaha dunida.

Dowlada Japan oo kamid ah dowlada uu dalkeeda saameeyay Caronavirus  ayaa ku eedaysay Madaxweynaha Hay’ada caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus inuu ku fashilmay maaraynta dhibaatada Cudurka Coronavirus.

Ra’isul wasaare kuxigeenka dalka Japan Taro Asoso , oo la hadlay Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in WHO ku fashilantay maareynta cudurka Caronavirus, waxa uuna tilmaamay in qiimaynta WHO ee faafitaana cudurkan uusa ahayn mid ku filan.

Taro Asoso ayaa sheegay in dad ka badan 600-kun oo qof ay saxiixeen codsi ay ku dalbanayaan in uu is casilo Madaxa Hay’ada caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay dalka Itoobiya.

Cudurka Caronavirus ayaa daafaha caalamka ku dilay dad ka badan 30-kun oo qof, waxaa sidoo kale cudurkan ku dhacay dad kor u dhaafaya 500-kun oo qof oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -