Maxkamad ku taalla Maraykanka oo riday xukun yaab leh & Biden oo ka carooday (Sawirro)

Madaxwaynaha Maraykanka Biden ayaa si wayn uga carooday xukun ay riday mid ka mid ah maxkamadaha Maraykanka.

Wiil dilay laba qof sanad ka hor, isla markaana kala qaybsanaan wayn ku keenay dalka Maraykanka ayay Maxkamaddu ka dhaaftay in lagu rido xukun ciqaab ah islamarkaana go;aansatay in sii daayo.

Biden ayaa sheegay inuu ka careysan yahay xukunkaas kaddib markii wiilkan dhalinyarada ah uu toogasho ku dilay labo nin sanadkii hore intii ay socdeen rabshado isir nacayb ah oo ka dhacay gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay sida uu uga xun yahay xukunka inkastoo uu horay u sheegay inuu garab taagan yahay xeerbeegtida.

Kyle Rittenhouse, oo 18 jir ah, waa uu ooyay markii lagu waayey dhammaan eedeymihii toogashadii ka dhacday Kenosha 25kii Ogosto 2020. Hooyadii, Wendy, ayaa iyaduna ooyday farxad awgeed.

Waxaa dhacay mudaaharaadyo iska soo horjeeday oo la xiriira natiijadii maxkamadaynta taasoo kala qaybisay Maraykanka.

Mr Rittenhouse ayaa qirtay inuu toogtay Joseph Rosenbaum, oo 36 jir ah, iyo Anthony Huber, oo 26 jir ah, isla markaana uu dhaawacay Gaige Grosskreutz, oo 28 jir ah, laakiin wuxuu ku adkaystay inuu sidaas u sameeyay is difaacid.

Xeerbeegti ka kooban todobo dumar ah iyo shan rag ah ayaa ka dib seddex maalmood iyo bar oo uu la tashi socday go’aamiyey in la sii daayo wiilkan taasoo aheyd talaabo laa filaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -