Garoonkii Berbera oo la casriyeeyey iyo Muuse Biixi oo xariga ka jiray (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarigga ka jaray madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport oo in muddo ah lagu waday casriyeyn iyo dib-u-habayn ballaaran.

Biixi oo muddo laba maalmood ah safar shaqo ku joogay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa kormeer kooban oo uu ku sameeyey dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera, kaddib waxa uu  saaka si rasmi ah u furay madaarka Berbera International Airport oo loo qaabeeyey hannaankii ugu casrisan madaarrada adduunka, waxana maanta si rasmi ah u bilaabmay duullimaadyadii  diyaaradaha ee ka gooshi lahaa.

Maareeyaha Hay’adda duulista iyo madaarrada Somaliland, Mudane Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay dedaalkii ay xukuumaddu gelisay inuu madaarka Berbera dhammaado, islamarkaana ay diyaarado caalami ahi duulimaadyo si rasmi ah uga samayn doonaan.

Maareeye Cumar-sayid oo ka hadlay hannaanka cusub ee madaarka loo casriyeeyey loogana dhigo mid dunida la jaanqaadayo, ayaa sheegay in gebi ahaanba la beddelay dhabbadii hore ee diyaaradaha oo dhererkeedu ka badnaa 4KM (Afar Kiiloomitir), iyada oo la sameeyey guluubada waaweyn ee habeenkii suurogelinaya inuu madaarku shaqeeyo, lagu soo wareejiyey xayndaab ku fadhiya 30km oo isku weeran, islamarkaana la dhisay Teerminnaallo casri ah oo ku qalabaysan agabkii ugu dambeeyey ee madaarrada dunida lagaga shaqeeyo.

Xubno ku hadlayey magaca dawladda Imaaraadka Carabta oo ay  kamid yihiin wakilka dawladda Imaaraadka u fadhiya Somaliland, Ambassador Abdullah Alnaqbi iyo Mr.Dritan ah madaxa Imaaraadka Carabta u qaabilsan madaarka Berbera ayaa bogaadiyey   horumarka ay qaybta weyn ka qaateen ee ka hirgalay madaarka Berbera, waxana ay si cad u sheegeen inay dawlad ahaan u hagar baxeen madaarka, kana dhigeen mid la jaanqaadaya dhiggiisa kale ee dunida.

.Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kusoo Afmeeray, ayaa ugu horrayn si mug leh ugu mahadnaqay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana uu sheegay inay Somaliland is barbar taageen maalin adag, shacabka reer Somaliland-na ay abaal badan u hayaan, maaddaama oo ay ku dhiirradeen inay maalgelin hagar la’aan ah u huraan dhulka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin u diray shacabka reer Somaliland, isaga oo usoo jeediyey inay u diyaargaroobaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada caalamka iyo midda geeska Afrika ku dhaqanba, maaddaama oo maanta si weyn loo casriyeeyey madaarka Berbera iyo dekeddaba,

“Maanta waxaynnu joognaa garoon caalami ah oo garoomada adduunka weyn kamid ah oo ay walaalladeen Imaaraadka carabtu inoo maalgeliyeen, innagana waxa la inaga rabaa inaynu u diyaargarownno sidii ummadda caalamka  oo dhammi halkan usoo mari lahaayeen, mar haddii uu garoonkii ugu weynaa yahayna waxaynnu u baahannahay inaynnu caalamka intiisa kalena soo jiidanno.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -