Allbanaadir.com
NEWS

Dowadda oo qaaday tallaabo ay kusoo jiidaneyso dadka degan Masagawaa (Sawirro

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Mesegawaa ee gobolka Galgaduud, oo hirey loiga saaray Al Shabaab.

Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaana raashinkan ay u dirtay Masagawaa ugs dan leh sidii ay usoo jeedan laheyd dadka halkaasi degan, sidoo kale magaalada ugu soo laaban lahaayeen dadkiu ka barakacay qaarkood.

Related posts

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay lacag dhan $127 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo dhax dhaxaadinaya Milatariga Sudan iyo Isbaheysiga Mucaaradka

Cabdi Cade

Somaliland oo xasuuq ku eedeysay ciidanka Liyuu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---