Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Suuq kuyaala Bardaale

Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhacay qarax xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah soo gaaray.

Qaraxa ayaa ka dhacay Suuq mashquul badan oo kuyaala degmada Bardaale gaar ahaan suuq lagu iibiyo jaadka, waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah oo goobtaasi lagu sii diyaariyay.

Inta la xaqiijiyay 7-qof ayaa qaraxan miino ee ka dhacay Suuqa degmada Bardaale ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 10-qof oo kale, dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa qaarkood lagu soo waramayaa in dhaawacyo halis ah ku yaalaan.

Guddomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Caracase ayaa qaraxan ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay Gudoomiyaha in Al Shabaab weerarkan shacabka uga aargudanayeen kadib howlgalo ka dhan ah oo ciidamada fuliyeen.

Qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Bardaale ayaa si weyn looga dareemay degmadaasi, waxa uuna qaraxa saameyn ku yeeshay ganacsigii Suuqa ka jiray iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -