Qorshaha Amniga Muqdisho oo la diyaariyay xili amaanka magaalada faraha kasii baxayo

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana maalmahan magaalada kusoo kordhay falal amaan daro oo isugu jira qaraxyo, Dilal qorsheesan iyo dhaca shacabka loo geesanayo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in la diyaariyay qorshe cusub oo lagu sugayo amaanka caasimada Muqdisho ee maalmahan sii xumaanaya.

Waxa uu sheegay Wasiirka qorshahan amni ee la diyaariyay looga gon leeyahay in looga hortago falalka amaan daro ee ka dhaca magaalada, waxa uuna cadeeyay in aan la ogolaan doonin in magaalada lagu dhax wato hub sharci daro ah.

“ Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa inay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Warkan kasoo yeeray Wasiirka Amniga ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordhayaan dilalka qorsheesan ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana maanta oo u dambeesay gurigiisa oo kuyaala Dayniile lagu dhax dilay Nabadoon caan ka ahaa deegaankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -