Madaxweyne Farmaajo oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Xanaaqsan

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweenayay oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta dowladiisa mucaaradka ku ah.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in waqtigoodu uu dhamaaday siyaasiyiinta xanaaqsan, waxa uu xusay Farmaajo in siyaasiyiinta xanaaqsan hada ku dhaw yihiin waali sida uu tilmaamay.

“Siyaasiyiinta xanaaqsan maalmo hore waxay wadeen inay yiraahdaan dowladda waa ku fashilantay Amniga, dalka waa la qabsaday, hadda taas waa shaqeyn weyday, hadda waxay yiraahdeen nidaamka Maaliyadda waa fashilmay, dad badan oo shiheeye ah oo awal na gacan bidxeyn jiray ayaa noo qiray, waxay arkeen dhaq dhaqaaqa xisaabta in anaga amaanadii umadda noo dhiibatay aan u ilaalino,  IMF, World Banka iyo Midowga Yurub, waxay leeyihiin dowladda waa nadiif ah, waa inaan dhaqaale ku bixino, ayagana waxay leeyihiin maya, waa in aan dhaqaale la siin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa isweediiyay cida ay u daneenayaan siyaasiyiinta xanaaqsan , waxa uuna xusay Madaxweynaha qofka hadii uu xanaaqo in uu ku dhawaanayo waali isagooa shacabka u sheegay in ay ogaadaan dadka nuucaasi ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta dowladiisa mucaaradka ku ah iyo sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaa uu ku sifeeyay kuwa ka xanaaqsan horumarka dowladiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -