DF dayuurado sida ciidanka xoogga dalka ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb

Sadex dayuuradood oo siday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somalia ayaa maanta laga dajiyey Garoonka dayuuradaha Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidankan maanta laga soo daabuley Magaalada Muqdisho ayaa lagu xoojin  doonaa dagaalka u dhexeeya Ciidanka DFS iyo Kuwa Ahlusuna ee ka bilowday degaanka Bohol oo 20km u jira Dhuusamareeb.

Dagaalkii shalay ayaa looga Awood ronaadey Ciidanka xoogga dalka Somalia markii dib looga qabsaday degaanka Bohol oo markii hore gacantooda soo gashay.

Sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb, si uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ahlu sunna.

Xoogaga Ahlu suna ayaa ayaa sheegay iney dagaalki shalay ku qabsadeen Gaadiid ay ku jiraan kuwo dagaal oo ay leedahay dowladda Somalia iyo maxaabiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -