Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii Ugu Damkbeeyay qaraxyadii ruxay Kampala iyo Khasaaraha ka dhashay (Sawirro)

Bartamaha magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxaa ka dhacay labo qarax oo xoogan , waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro kala duwan sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Uganda.

Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay goob laga dukaameesto oo ku dhaw xarunta booliiska magaalada Kampala, qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel ku dhaw xarunta Baarlamanaka dalka Uganda.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan ka dhacay magaalada Kampala waxaa ku dhintay afar qof oo labo kamid ah yihiin Saraakiil booliis halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 24-qof, dadka dhaawacmay ayaa afar qof oo kamid ah lasoo sheegayaa in xaalad adag ku jiraan.

Ciidamada booliiska iyo Sirdoonka magaalada Kampala ayaa wada howlgalo baaritaano ah oo ku aadan qaraxan, waxaa sidoo kale la adkeeyay amaanka xarumo kuyaala magaalada Kampala iyada oo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan.

Qaraxyadan maanta ruxay magaalada Kampala ayaan wali jirin cid sheegatay masuuliyadooda, waxaana qaraxyadan imaanayaa xili dhawaan maqaayad kutaala magalaada Kampala ka dhacay qarax khasaaro dhaliyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hantida Trump iyo Wiilashiisa ee New York oo la xayiray kaddib Dambiyo lagu helay

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo iska fogeysay hadal ka soo yeeray wasiir ka tirsan Somaliland

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka Mamnuucday cabista & ka ganacsiga shiishada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---