Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid loogu deeqay Ciidamo gaar ah oo katirsan Milatariga Soomaaliya (Sawirro)

Dowlada Turkiga ayaa ku wareejisay taliska ciidanka milatariga Soomaaliya gaadiid kala duwan oo ciidamada adeegsadaan, waxaana gaadiidkan si gaar ah loogu deeqay ciidamada Gor Gor ay tababaraan dowlada Turkiga.

Masuuliyiin katirsan Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa safaarada Turkiga ee Muqdisho kala wareegay gaadiidkan kala duwan ee loogu tala galay in ay adeegsadaan ciidamada Gor Gor.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha milatariga ee la wareegay gaadiidkan ayaa uga mahad celiyay dowlada Turkiga taageerada muuqda ay la garab joogaan dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada milatariga .

Dowlada Turkiga ayaa gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan kuwa gaashaamaan iyo hub casri ah ugu deeqda ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gor Gor ay tababaraan gacantana ku hayaan dowlada Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo xariga ka jaray Xarunta Gurmadka deg-dega ah ee Booliiska (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Nuur Quran Online oo Wargalin Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Askar kasoo carartay furimo dagaal oo maxkamad lasoo taagayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---