Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo iska fogeysay hadal ka soo yeeray wasiir ka tirsan Somaliland

Al-Shabaab ayaa beenisay hadal ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo ahaa in ciidmada Somaliland ay Laascaanood kula dagaalamayaan aragaxiso ku xiran Alshabaab.

Qoraal lagu baahiyey Warbaahinta taageerta kooxda ayey Al-shabaab ku sheegtay inay xaqiijinayso in hadalka kasoo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn

Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqbaleyn in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.

“Al-shabaab waxay cadaynaysaa in aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka ka socda Laascaanood, isla markaana aysan jirin ciidamo Al-Shabaab ah oo ka qayb qaadanaya dagaalkaas, waxaana ugu baaqaynaa cid walba oo ay arintaani qusayso in aysan ku kadsoomin been-abuurka kasoo yeeray Somaliland”ayaa lagu yiri qoraal kooxdu soo saartay.

Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwaddii badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya oo marxalad cusub gashay

Caydiid Ali

Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Kyiev (Sawirro)

Caydiid Ali

Ammaanka Muqdisho oo sii xumaanaya iyo burcad hubeysan oo kusoo badanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---