Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Haweenka Kamid noqonaya Golaha Shacabka ee laga rabo maamulada oo lasoo saaray

Guddiga Hirgalinta qoondada Haweenka uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa qoraal ay u direen Guddiga Doorashada Heer federaal waxa ay ku wargaliyeen tirada haweenka laga rabo maamul goboleedyada.

Qoraalka loo diray guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa la faray in ay ka shaqeeyaan in Golaha Shacabka ee lasoo dooranayo ay kamid noqdaan %30 haween, waxaana guud ahaan golaha shacabka laga doonayaa in ay kamid noqdaan 82-Xubnood.

Guddiga hirgalinta qoondada haweenka ayaana beelaha iyo jufooyinka iska leh kuraasta haweenka ugu baaqay in ay ka heshiiyaan, waxa ay sidoo kale amreen  guddiga doorashada in kuraasta haweenka loo harmariyo si aan loo duudsiin kuraastooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran ballanqaad muhiim ah ka heshay Waddamo Carbeed xilli Israa’iil weerar ay…

Cabdi Cade

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Guryo Maxaas ka degnaayeen Masuuliyiin (Sawirro)

Cabdi Cade

Markabkii u horeeyey ee gargaar sida oo gaaray xeebta Magalada Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---