Mareykanka oo Shaaciyay in ay dileen 60-kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha Hooe ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen sabtidii iyo axadii Deegaanka Gendershe ku dileen 62-dagaalyahan oo katiran Al Shabaab, waxaana Mareykanka sheegeen in duqeyntan aysan khasaaro kasoo gaarin shacab.

Duqeyn sabatidii ka dhacday deegaanka Gendershe ayaa Mareykanka sheegay in ay ku dileen 34 dagaalyahan halka duqeyn labaad oo shalay oo axad ah isla deegaanka Gendershe ka dhacday ku dileen 28-dagaalyahan.

Qoraalka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay aheyd mid looga hortagayay weeraro ay soo abaabulayeen Al Shabaab, waxaana taliska Mareykanka cadeeyeen in duqeynta lala helay bartilmaameedkii loogu tala galay.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin duqeyntan Mareykanka sheegeen in ay kaga dileen dagaalyahano badan, waxaana inta badan Al Shabaab looga baran in ay ka hadlaan duqeymaha khasaaraaha geesta ee lala eegto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -