Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo talaabo cusub qaaday (Sawirro)

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Soohdimaha  ayaa kulan wadatashi ee hirgelinta doorashooyinka ah la yeeshay madaxwaynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo Guddigu la qaadanaayay madaxda dalka, daneeyeyaasha doorashooyinka Iyo ururrada bulshada si dhamaan la isugu kaashado hirgelinta doorasho qof Iyo cod ah.

Madaxwaynaha ayaa Guddiga la wadaagay in Galmudug dadkeedu u diyaarsan yihiin ka qaybgalka doorashooyinka.  Waxa uu ballan qaaday inuu Guddiga ku caawin doono dhamaan wixii ay uga baahdaan Galmudug intii karaankood ah.

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in ay mar hore u diyaar garoobeen qabashada doorashooyinka Dawladaha hoose ka hor inta aan Guddiga la soo dhisin.  Walina ay sugayaan sidii looga dhabayn lahaa doorasho toos ah oo looga gudbo hannaanka doorashooyinka dadban.

Guddigu ayuu ku bogaadiyay muddada yar ee ay dhisnaayeen howlaha baaxadda leh ee ay qabteen.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Abdikarim Ahmed Hassan ayaa uga mahad celiyay Madaxwaynaha Galmudug ballanqaadka Iyo garab istaagga Guddiga. Waxaana uu shirka ka shaaciyay in wafti ballaaran oo ka socda GMDQS  uu dhowaan tegi doono Galmudug si uu ula kulmo bulshada una soo helo xogta dhabta ee kaabayaasha doorashooyinka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo loogu baaqay in wadahadal la galo Hoggaamiyaasha Al Shabaab

Cabdi Cade

Soomaali laga soo daad-gureeyay Colaada Sudan oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Farmaajo “Shacabka waxay kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin & cidda u hiilinaysa nabadda”

admin
Taboola Ads ---