Nabadoon la sheegay in uu katirsanaa Xarakada Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Nabadoon ay sheegeen in uu katirsanaa Xarakada Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha Jubbaland sheegeen in nabadoonka kasoo goostay kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo ay sheegeen in Ugaas u ahaa mid kamid ah beelaha dega Jubooyinka xubina ka ahaa Xarakada Al Shabaab.

Warbaahinta taageerta maamulka Jubbaland ayaa ku warantay in nabadoonka uga soo tagay kooxda Al Shabaab kadib dhibaatooyin badan uu sheegay in uu kala kulmay intii uu kamid ahaa.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan horey usoo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ay sheegeen in dhankooda usoo goosteen, waxaana hada cusub in Odayaal dhaqan oo kasoo tagay Al Shabaab isku soo dhiibaan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -