Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Rooble uu Dhuusamareeb u tagay wadahadalka Ahlusunna?

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan Dhuusamareeb u tegin inuu wadahadal la galo Ahlu-Sunna, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu cadyahay mowqofkiisa.

Al-Cadaala ayaa tilmaamay in socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay la xiriirto sidii uu u kuurgeli lahaa xaaladda ka jirta Galmudug iyo wadatashi ku saabsan xaaladda Dalka iyo dardargalinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Cadaala ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu sidoo kale Madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha Ammaanka, maadaama uu dalku ku guda jira marxalad doorasho.

Warar saacadihii dambe soo baxay oo la isla dhexmarayey baraha bulshada ayaa sheegayey in Rooble oo galabta gaaray Dhuusamareeb uu wadahadal la galayo kooxda hubeysan ee  Ahlusunna oo fadhigeedu yahay degaanka Bohol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasada Nashqadeynta Guryaha Jubbaland oo la meel mariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dhigiisa cusub Barham Saalix

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo shaacisay halis ka taagan shan degmo oo go’doon ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---