Booqashado uu ku tagay Doolow Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ay ku wehliyeen wakiillada Soomaaliya ee hay’adaha WFP, UNICEF iyo OCHA ayey ugu kuur-galeen dad badan oo Soomaaliyeed oo wajahaya xaalado macluul ah.
Qaramada Midoobay waxa ay gaartay malaayiin Soomaali ah oo aad ugu baahan gargaar, balse waxaa loo baahan yahay maalgelinta deeq-bixiyayaasha si loo joogteeyo taageeradaas bini’aadannimo.
“Isku darka roobab yari, sare u kaca qiimaha cuntada iyo dhaqaale yarida ayaa keenay in Soomaaliya ay soo wajahdo xaalad macluul ah – markii aan indha-indheenay saameynta xaaladda bini’aadannimo ee gargaarka u baahan ee ka taagan Doolow, waxaan maanta xaqiiqsannay muhiimadda ay leedahay in la helo dhaqaale badan si loo bixiyo gargaar naf-badbaadin ah,” ayuu yiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula, oo sidoo kale ah Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Deegaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Soomaaliya waxa ay wajaheysaa xaalad macaluul ah iyadoo duufaan aad u daran oo astaan u ah roob yari, sicirka cuntada oo cirka isku shareeray iyo deeq yari aad u badan ay keeneen in ku dhawaad 40% Soomaalida ay qarka u saarnaadaan macluul.
Malaayiin Soomaali ah ayaa halis ugu jira inay ku habsato macluul, iyadoo saameynta abaarta daba dheeraatay ay sii waddo inay baabi’iso nolosha iyo noolaha, iyadoo baahida sii kordheysa ay ka badan tahay gargaarka bani’aadamnimo ee loo heli karo, ayay maanta ka digeen hay’adaha Qaramada Midoobay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=E9hAS0eRiug&t=53s