Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado caawa lagu weeraray magaalada Tel Aviv iyo korontadii oo…

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu rakibay gantaalo , ayaa caawa lagu weeraray magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil, waxaana weerarkaasi fulisay kooxda Islaamiga Xamaas ee u dagaallanta xuriyadda shacabka Falastiin.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in diyaaradahan qaarkood ay soo galeen hawada magaalada Tel Aviv, waxaana la sheegay in mid kamid ah diyaaradahan ay ku dhaceen dhismo la degan yahay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay.

Magaalada Herzliya oo ku taalla waqooyiga Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil ayaa lagu warramayaa in ay ka go’day korontadii ayna gashay  mugdi , kaddib weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee direen Xamaas uu ku dhacay magaaladaasi.

Kooxda Xamaas , ayaa awood u yeelatay in diyaarado iyo gantaallo culus ku garaacaan magaalada Tel Aviv, waxaana sii kordhaya cabsida iyo walaaca ay qabaan shacabka Israa’iil, kuwaa oo mar kasta ku carara goobo gabaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2022 (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo degaano cusub kala wareega Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab uu u hanjabtay Wiil Muuqaalkiisa baraha bulshada qabsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---