Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay degmooyin ka tirsan Muqdisho

Ciidamada Duufaan ee ka tirsan NISA ayaa saraakiil ka tirsan Al-shabaab ku soo qabtay howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshiid iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan ayey ciidamadu ku soo qabteen saddex ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo degaanka Ceelasha Biyaha ku sugnaa.

NISA ayaan soo bandhigin raggan la soo qabtay iyo Magacyadooda, waxayse sheegeen iney ahaayeen saraakiil muddo lagu raad joogay.

“Sirdoonka caasimadda waxay har iyo habeen u taagan yihiin sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga badbaadin lahaayeen, ugana hor tagi lahaayeen dhagarta uu cadawgu maleegay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Saddex Wasiir oo dokumentiyo muhiim ku wareejiyey RW Xamse (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha kala duwan ee Dowlada

Cabdi Cade

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---