Allbanaadir.com
NEWS

Maamul goboleedyada dalka oo taageeray go’aan kasoo baxay Dowlada Federaalka

Qoraal kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu taageeray go’aan Dowlada Federaalka Soomaaliya kaga dalbatay beesha Caalamka in ay hakiso deeqaha gaarka ah ee goonida loo siiyo maamulka Somaliland.

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa lagu taageeray qoraalka Dowlada Federaalka Soomaaliya u gudbisay beesha Caalamka, waxa ayna Madaxda maamul goboleedyada sheegeen in aan la aqbali karin deeqaha gaarka ah ee la siiyo Somaliland.

Qoraalkan oo loo diray Beesha Caalamka oo ku qornaa luqada Ingiriiska ayey Madaxda maamul goboleedyada dalkka ku cadeeyeen in nidaamka gaarka ee Somaliland loogu qoondeeyay deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada .

Halkan ka Akhriso Qoraalka beesha Calamka u direen Golaha Isjkaashiga Maamul goboleedyada

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka taliye Maxaadey oo la diiday in la aaso iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

QM oo ka hadashay qarax caruur badan ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha hoose

Caydiid Ali

Somaliland oo aqbashay codsi kaga yimid Ra’isul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---