Meydka taliye Maxaadey oo la diiday in la aaso iyo Wararkii ugu dambeeyey

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya oo xalay lagu dilay meel ku dhow madaxtooyada Somalia ay diideen eheladiisa in la aaso.

Meydka taliye Maxaadey Saleebaan ayaa lagu waday in maanta la aaso balse eheladiisa ayaa sheegay inaan la aasi doonin.

Waxay sheegeen inaan weli la xirxirin askartii ka dambeysay dilka taliyaha, iyadoo hadalkooda uu khilaafsan yahay war ka soo baxay taliye xigeenka Booliska oo sheegayey in dhamaan xabsiga la dhigay askartii ku lugta laheyd falkaas.

Ehelada ayaa sidoo kale sheegay ineysan illaa hadda jirin cid ka tirsan dowlada Somalia oo la soo xiriirtay, isla markaana kala hadashay arinta dilka wiilkooda.

Taliyaha iyo askari ka tirsan ilaaladiisa ayaa dhintay ka dib markii gaari ay la socdeen ay rasaas ku fureen xalay ciidanka ilaalada hotelka Naasa hablood-2 oo ku yaalla agagaarka taalada Xaawo taako, iyagoo sheegay iney ka shakiyeen.

Hotelkan ayaa waxaa iska leh wasiirka amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana dad badan ay nasiib daro ku tilmaameen in sarkaal qiimo weyn ugu fadhiya ciidanka xoogga dalka uu si fudud u sababsado isla gacanta ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -