Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo aqbashay codsi kaga yimid Ra’isul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia (Akhriso)

Qoraal ka soo baxay dhowaan xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahi Axmed ayaa waxaa cafis loogu fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore iyo Wasiirka arrimaha Diinta & Awqaafta ka ahaa xukuumadii Ra’isul Wasaare C/wali Axmed Maxamed.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in cafiska uu yahay mid uu fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo tixraacaya cafisyadii uu horey ugu sameyn jiray siyaasiyiinta Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ku eedeysay in mudo ah inuu ka soo horjeeday Qaranimada Somaliland, balse waxay sheegtay inuu hadda uu ka soo laabtay fikirkaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in cafiskan uu yimid ka dib markii Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore codsi arintaas la xiriira uu u dirsaday maamulka Somaliland si uu ugu laabto magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo xirxiray 44 qof oo basaasiin u ahaa sirdoonka Israel ee Mossad

Caydiid Ali

Musharax la dilay oo ku guuleystay doorashada kursigii uu u tartamayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Kursiga uu ku fadhiyo Prof Ibbi iyo kuraas kale oo la dooranayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade