(Daawo Sawirro) Milateriga DF oo degaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka guutadda 10aad ee gobolka Gedo ayaa la wareegay tuulo Barwaaqo oo ka mid ah degaanada hoos taga gobolka Gedo.

Waxaa horey degaankan gacanta ugu hayey kooxda Al-Shabaab oo la sheegay iney halkaas ka baxeen iyagoo aan dagaalamin.

“Argagaxisada ayaa isaga cararay aagaas kadib markii ay ka war haleen in ciidanka Xoogga dalka ay ku wajahan yihiin goobta ay ku sugnaayeen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa sidoo kale Ciidanka Xoogga ay la wareegeen saldhig ku yaalla meesha loo yaqaano Kabis oo fariisin u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro war ka soo baxay Al-shabaab oo la xiriira degaanada lagala wareegay iyo dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ciidamada xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -