Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn loogu baahiyay war sheegayay in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe)

Warkan ayaa noqday mid dad badan aamineen si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ku kulanto, waxa ayna arintan keentay in uu si deg deg ah uga hadlo Wasiirka Gasahaandhiga ee la sheegay in uu is casilay.

Shir Jaraa’id uu Muqdisho ku qabtay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayuu ku beeniyay warka sheegaya in uu iska casilay xilka uu ka hayay Xukuumada.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in been abuur tahay warka lagu baahiyay baraha bulshada, waxa uuna xusay in uusan is casilin qorshana uusan ugu jirin in uu iska casilo xilka uu Xukuumada ka hayo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aysan qaadan wararka been abuurka ah , waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo horumarka kasoo horjeeda oo faafinaya wararka horumarka kasoo horjeeda.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa imaanaya xili uu maanta is casilay Wasiirkii howlaha iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Cabdifataax Geesey oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dahabshiil oo abaal marino siisay qaar kamid ah Macaamiisheeda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Ma waxaan u dabaaldegnaa Waqooyi iyo Koonfur kala tegey”

Caydiid Ali

Xiliga Muqdisho la keenayo lana aasayo Meydka Wasiirkii Dastuurka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---