Mustafe Cagjar: “Waa lala wareegayaa hantidooda Shaqsiyaadka taageeraya TPLF”

Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa ka hadlay dagaalada ka holcaya waqooyiga Itoobiy iyo qorshaha maamulkiisa kaga aadan

Mustafe ayaa sheegay haddii xaaladda Itoobiya isbadesho in aysan marna ogolaan doonin in maamulka degaanka Soomaaliya ay gacanta u gasho TPLF.

“Marna inaan masiirka Soomaalida cid kale gacanta u gelinin TPLF ayaa inoo qorsheysan, waan dagaalameynaa” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale xusay inay hantidooda la wareegi doonaan dadka taageera kooxda TPLF.

“Waxaa xaqiiqo ah inay jiraan dad isku dayaya inay khalkhal geliyaan amaanka degaanka, kuwaasna waxaan kaga hortegi doonaa wixii xumaan ah oo ay ugu horreyso la wareegida hantida kuwa shirarka ku qabanaya dibada iyo kuwa lacagta u uruurinaya TPLF” ayuu hadalkiisa ku daray Mustafe Cagjar.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda ayuu sheegay in uusan ahayn sida warbaahintu u dhigayso oo hal dhinac ah, hase ahaatee ay jiraan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Tigray oo ay gacanta ku hayaan ciidamada federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -