Golaha wasiirada Galmudug oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2020 (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gudoomiyey shirkii golaha wasiirada maamulka galmudug oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ku saabsanaa soo jeedinta & ansixinta Miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee 2020.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay ku talagalka miisaaniyadeed ee 2020.

Dood iyo falanqeyn kadib, golaha wasiirada ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada 2020 oo gaaraysa 17,230,054.00 (todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Miisaaniyada sanadkii 2018 ayaa aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.
“Madaxda cusub ee Galmudug waxaa ka go’an abuurida kaabayaal iyo ilo dhaqaale si loo gaaro isku filnaan” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor oo kulankaas gebagadiisii ka hadlay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -