Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ku hanjabay iney talaabo ka qaadayaan hotelada ku yaalla xeebta Liido

Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda Somalia Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in Hotelada ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ay ka socdaan waxyaabo aan diin iyo dhaqan ahaan wanaagsaneyn.

Cumar Cali Rooble ayaa intaa ku daray in sanadba sanadka ka dambeeya dalka ay ku soo badanayeen waxyaabaha xumaanta ah, sida kaniiniga iyo wax kasta oo maanka dooriya.

Waxaa uu xusay in Shilalka Mooto ee ka dhaca dalka gaar ahaan Muqdisho ay sabab u tahay dhalinyarada wada qaarkood oo isticmaala dawooyinka maandooriyaha, sida cirbadaha la isku duraayo, kaniiniga, khamriga, taabuukta iyo waxyaabo kale.

Marnaba indhaha lagama qarsan karo loomana dulqaadan karo waxaa ka socda Hoteelada ku yaalla Xeebta liido, isla markaana tillaabo deg deg ah ayaanu ka qaadi doonaa” ayuu yiri wasiirka

Wasiir Cumar ayaa sheegay in sidoo kale waxyaabaha xumaanta ah ee ka socda Aalada Tiktok aan loo dul qaadan karin ayna yihiin kuwo khilaafsan  ka baxsan Anshaxii iyo Akhlaaqdii ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo si wadajir ah u casuuntay Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade

Maamulka Dhuusamareeb oo War ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada

Caydiid Ali

Dal buufinno ay ku jiraan qashin iyo waxyaabo kale oo wasakhaysan u diray dal kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---