Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Carbeed oo si wadajir ah u casuuntay Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudi Carabiya martiqaad u fidisay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada.

Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ayaana la filayaa in maalmaha soo socda tagaan Boqortooyada Sacuudiga ayna halkaasi si wadajir ah ula kulmaan madax katirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Wali lama shaacin ujeedka rasmiga ah ee Sacuudiga u marti qaaday Raisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad aad u xumaa mudadii uu xilka hayay Farmaajo.

Casuumada Sacuudiga u fidisay Raisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa kusoo aadeysa xili Doorashada Aqalka Sare dalka ka bilaabatay lana filayo in doorashada Aqalka Hoose in iyana bilowdaan.

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Mamnuucay in gaadiid dagaal lala dhax maro Muqdisho Ammar adagna bixiyay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo Kismaayo ka daahfuray Wakaalad cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---