Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo Jawaabtay cad siisay Hogaamniyaha Ahlu Sunna oo Wadahadal dalbaday

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa meesha ka saaray in qorshaha ugu jiro maamulkooda in wadahadal la galaan xoogaga Ahlu Sunna ee dhawaan ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlad kula dagaalamay Guriceel.

Wasiir Falagle ayaa tilmaamay in Ahlu Sunna aysan horey wadahadal ula yeelan hadana aysan dooneyn in ay la hadlaan, waxa uuna sheegay in kooxdaasi yihiin kuwa ku xadgudbay sharciga.

“Anagu marka hore xiriir wadahadal ma aanay laheyn, hataana xiriir wadahadal ah ma lihin, dhalinyaro ku xaadgudubtay sharciga weeye, anagoo la hadlin bey cafis naga yihiin laakiin sida hadda warka loo dhigayo, wadahadal oo na dhexmaray, xabaddu kuma joogsanin haatan wadahadal aan sugeyno oo miiska noo saaran ma jiro” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa kusoo aadaya xili Hogaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuudka sheegay in diyara u yihiin in Wadahadal shuruudo ku xiran la yeeshaan maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo dhameystiray daad gureynta diblomaasiyiinta Safaaradiisa Khartuum

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Danab iyo Gorgor oo la geeyay Shabeelaha Dhaxe iyo Howlgal culus oo…

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya aysan xoog ku raadineyn dhul badeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---