Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo dhameystiray daad gureynta diblomaasiyiinta Safaaradiisa Khartuum

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Sudan.

Wuxuu ku baaqay in la soo afjaro rabshadaha iyo dagaalada aan mabda’a laheyn ee halkaas ka socda, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan.

Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay shaqaalaha Mareykanka ee Khartuum.

Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalkan fuliyay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo hubaysan – kaasoo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, isagoo Sudan galiyay halis iyo burbur.

“Waxaan si weyn ugu faanayaa shaqaalaha safaaradeenna oo waajibaadkooda u gutay si geesinnimo iyo hufnaan leh, isla markaana muujiyay saaxiibtinimada Maraykanka iyo xiriirka dadka Sudan,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxaan ka mahadcelinayaa xirfadda aan lasoo koobi karin ee ciidankayaga, kuwaas oo si guul leh shaqaalaha ugu qaaday goob ammaan ah” ayuu raaciyay Biden.

Biden waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay howlgalka lagu soo daad-gureeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Itoobiya oo gobolka Tigray ka soo qabtay masuuliyiin kale oo ka tirsan TPLF

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir ka tirsanaa Maamulka Hirshabelle (Akhriso)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Magacaabay Hanti Dhowraha iyo Xisaabiyaha Guud ee Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---