Maamulka Somaliland oo si adag uga jawaabay hadalkii Madaxweynaha Punland

War Saxaafadeed kasoo baxa Wasaarada Warfaafina maamulka Somaliland ayaa si adag loogu jawaabay hadal uu shalay Baarlamaanka Puntland ka jeediyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ku aadanaa xaalada gobolka Sool .

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in gobolka Sool uusan aheyn mid ka dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, waxa uuna tilmaamay in gobolka Sool uu yaha mid ay leedahay Puntland lagana xureyn doono maamulka Somaliland.

”Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dul-hoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad, ciilqab iyo xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland oo looga jawaabay Hadalka Gaas

“Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Gaas, Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xoog kula wareegaan gobollo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha Caalamiga ah ee tagey isticmaarku, isla markaana  hore u   ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii  ka dhacay ay ku andacoonayaan  xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto  in  xuduudaha dalalka Afrika aanay  ahaan doonin sid mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey oo ceeb aanay geyin dusha u saaray shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushaar ku beddesha,taariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira so dirirkii Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaada iyo difaaca JSL, sidaas awgeed, waxaanu leenahay dadka xurmada iyo sharafta deelqaafkaaga joogtada ah, sidoo kale sidaad ku sheegtay maaha dad ciil qaba  oo  aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay  Buuhoodlena noqonayn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dad beerlaxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo ama uu ku sallaxanayo muddo kordhin  colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay baarlamaanka Garoowe,Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanu kor iyo hoosba ku celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduuda ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta.

Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in dawladda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wadaahdal nabadeed lagu dhameeyo arrinta u dhaxeysa Soomaliland iyo Soomaaliya iyada oo la raacayo qodobadii hore ee dhinac ay horay ugu heshiisyeen ee ka soo baxay shirkii London Febeaury Sanadkii 2012 qodobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida in wadahadalada labada dhinac xaduudahoodu boqdaan sidii labadii dal ee kala xukumi jireyn Ingiriiska iyo Talyaaniga wixii ka horeeyey 26-kii June 1960kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -