Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan dhac kusoo batay magaalada

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo kordhayay dhac ay geesanayaan rag hubeesan oon heebtooda la aqoon, kuwaa oo magaalada ku dhax wata mootooyin nuuca bajaajta ah.

Xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood ayaa qaati ka taagan dhaca ay u geesanayaan  raga hubeesan ee wata mootooyinka kuwaa oo dadka ka dhaca moobelada iyo alaabaha kale ee dadku wataan.

Burcada hubeesan ayaa wata biskoolado halka mararka qaarna ay wataan qoryo caadi ah, waxa ayna burcadan inta badan dhaca ka geestaan wadooyinka jidcadayaasha gaar ahaan kuwa jayga ah ay mootooyinka sida caadiga ah u mari karaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay ka cararaan mootooyinka bajaajta ah marka ay xaafadaha dhax marayaan, waxa ayna inta badan dadka si caadi ah u maraan wadooyinka bucaadka ah ay adag tahay in ay maraan mootooyinka bajaajta.

Ciidamada amaanka ayaa marar badan magaalada Muqdisho ku qabtay burcad dhac ku geesaneysay mootooyinka bajaajta, hasa ahaatee burcadan ayaa hada u muuqda kuwa magaalada kusii kordhaya.

Inta badan mootooyinka bajaajta ah ee dhax mara magaalada Muqdisho ayaan lagu sameyn wax baaritaano ah, waxa ayna taasi kordhisay dhaca ay geesanayaan burcada adeegsata mootooyinka kuwaa oo mararka qaar xitaa ku dhaca xoolaha nool sida ariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -