Allbanaadir.com
NEWS

Maqaayado ay leeyihiin shirkadda Cuntada ee KFC oo weerar lagu qaaday

Xarumaha Shirkadda Maraykanka ee KFC Restaurants oo la weeraray

Koox dibadbaxyaal ay ku jireen dabley hubeysan ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay weerareen dhowr farac ee maqaayadda caalamiga ah ee KFC  ku leeyihiin caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Xarumaha laga cunteeyo ee shirkadda Maraykanka ee KFC ee la weeraray ayaa waxay ku kala yaallaan waddooyinka Plastine Street, Karada Street iyo Jadriya Street ee magaalladda Baqdaad.

Weerarkaasi oo aysan cidna wax ku noqon waxay dibadbaxyaasha burburiyeen kuraasta, miisaska iyo qalabka kale ee yaallay Baararka la weeraray.

Tiro badan oo ciiddanka amniga ayaa la sheegay inay kala cayriyeen dibadbaxayaashii, iyagoo u adeegsaday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Weerarkii xalay lagu qaaday xarumaha laga cunteeyo ee shirkadda Maraykanka ee KFC  ayaa ah weerarkii 3-aad ee 10-kii maalmood ee la soo dhaafay lagu qaaday qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ajaaniibta ku leeyihiin caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee May, faraca baararka shirkadda KFC ku leeyihiin shabaha Palestine Street ee magaalladda Baqdaad ayaa waxaa lagu tuuray bam-Gacmeed nooca guryaha lagu farsameeyo .

Related posts

Ciidamo nuuc cusub oo bedelaya Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya

Cabdi Cade

Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo maalintii labaad ka socda deegaan katirsan gobolka Mudug

Cabdi Cade

QM oo dilkii weriye Khashoqji ka soo saartay Warbixin ka nixisay Max’ed Bin Salman

Caydiid Ali
Taboola Ads ---