Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Video: Qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha Zimbabwe oo si live ah u dhacaya

Qarax ayaa laga maqlay goob uu ka socday isu soo bax olole doorasho ah oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa magaalada Bulawayo.

Warbaahinta ayaa soo tabineysa in Madaxweynaha aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxa, isla markaana si degdeg ah looga saaray garoonka White City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa.

Qaraxa ayaa dhacay xili Madaxweynaha Zimbabwe uu ka soo baxayey goobta uu dadka kula hadlay. waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

Mnangagwa ayaa talada dalka la wareegay bishii November ee sanadkii hore, kaddib xukunka ka degay Robert Mugabe oo muddo soo xukumayay dalkaas 30-ka bisha July ayaa la filayaa inay ka dhacdo Zimbabwe doorasho.

HOOS KA DAAWO QARAXA OO SI LIVE AH U DHACAYA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka XDS oo abaabul dagaal ka wada Baxdo (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay tirada Daacish looga dilay dagaalkii maanta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---