Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay tirada Daacish looga dilay dagaalkii maanta

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa sheegay iney Daacish ka saareen degaannada Qurac iyo Damdamle oo dhaca togga Jeceel.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayuu ku xaqiijiyay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen degaannada Qurac iyo Damdamle kaddib markii ay jebiyeen dagaallamayaasha Daacish oo halkaasi ku lahaa saldhigyo ciidan.

Taliska Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka ajaanib ka tirsan dagaallamayaasha Daacish oo lagu dilay hawlgalkii maanta ka dhacay degaannada Qurac iyo Damdamle.

“Hawlgalkii maanta oo ahaa Cir iyo Dhul, waxaa lagu dilay in ka badan 44 Argagixiso Daacish ah, waxaana laga qabsaday Argagixisada deegaano muhim ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND

Related posts

Koox ciyaartoy ah oo Magaalada Tehran loogu xirxiray xaflad ay ka qeyb galeen

Caydiid Ali

Turkiga oo qaaday tallaabooyin uu xal ugu raadinayo dagaalka ka socda Sudan

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF oo War ka soo saartay doorashada dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---