Faahfaahin: Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

Dagaal khasaare nafeed geystay ayaa maanta barqadii ka dhacay saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay saldhiga degmada Yaaqshiid uu bilowday markii uu saldhiga tegay taliyaha NISA u qaabilsan degaanka Daara-Salaam, uuna isku dayay inuu gudaha lagalo ciidan la socday.

Booliska joogay saldhiga ayaa ka biya diiday in ciidanka hubaysan ay gudaha galaan, taas ayaana horseeday dagaalka dhaxmaray labada ciidan.

Wararka qaar ayaa sheegay in Taliyaha NISA ee degaanka Daara-Salaam iyo ciidankiisa ay daba joogeen rag lagu soo xiray saldhiga oo ay doonayeen iney la baxaan

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay dagaalkaas, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood ka tirsan dhiacyada dagaalamay, waxaana weli halkaas kacsanaan ah inkastoo ay yaraatay rasaastii la isweydaarsanayey

- Advertisement -