Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor Qoor oo bogaadin ugu tagay Ciidankii Ahlu Sunna ka saaray Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta booqasho iyo kormeer ku tagay xeryaha ay ku suganyihiin ciidamada qalabka sida ee kuyaala magaalada Guriceel.
 
Qoor Qoor oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo saraakiil katirsan Galmudug ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada u jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin.
 
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn ku ammaanay Ciidanka Qalabka Sida wanaagsan ay uguteen waajibaadkooda iyo sida markasta ugu taaganyihiin difaaca ummadda Soomaaliyeed.
 
Ciidamada uu galabta Madaxweynaha Galmudug ku booqday xeryahooda ayaa ah ciidamadii dhawaan dagaalka adag kula galay magaalada Guriceel kana saaray ciidankii taabacsanaa kooxda Ahlu Sunna.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarun labaad oo hey’ada socdaalka ka furatay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoorqoor oo kulan xasaasi ah iskugu yeeray Saraakiisha amniga Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---