Shiinaha oo Tijaabiyay Gantaal aan horey loo arag iyo Mareykanka oo si weyn uga naxay !

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haya tijaabo dowlada Shiinaha dhawaan ku sameesay Gantaal casri ah oo xambaara hubka nukliyeerka, gantaalkan ayaana la sheegay in uu  ku wareegay dhulka.

Gantaalkan casriga ah ee dowlada Shiinaha tijaabisay ayaa nuuciisa lagu sheegay Hypersonic, waxay ku socdaan xawaare ka badan lix kun oo kiilo mitir saacadii, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la ogaado ama la burburiyo.

Mareykanka ayaa si weyn uga naxay tijaabada gantaalkan cusub ee Shiinaha sameeyay, waxaana saraakiil Mareykan ah sheegeen in Shiinaha gantaalkan uu horumariyay halis cusub tahay ayna horseedeyso tartan cusub.

Sarkaalka ugu sareeya ciidammada Maraykanka, Mark Milley,  ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Bloomberg ku xaqiijiyay in Shiinaha tijaabo ku sameeyeen gantaalkan casriga ah ee nuuciisa ana horey loo arag.

Mark Milley, ayaa sheegay in tijaabadan ay tahay mid aad looga walaaco, waxa uuna cadeeyay in gantaalkan xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha uu u dhowyahay inuu noqdo Sputnik– dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee 1957-kii ee Soofiyeedka ee  abuuray tartanka hawada sare ee Dagaalkii Qaboobaa.

Gantaalkan  xawaarihiisa sarreeya ayaa in ka badan shan jeer waxa uu ka xawaare sarreeyaa dhawaaqa, waxa la sheegay in uu saacaddii jari karo  xaawaare gaaraya 6,200 oo kilomitir.

Dowlada Shiinaha ayaa beenisay in ay tijaabisay gantaalkan casriga ah ee sida weyn loo hadal hayo, hasa ahaatee Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in Shiinaha sameeyay tijaabadan uuna horumarinayo gantaalada casriga ah ee xambaara hubka nukliyeerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -