Golaha shacabka oo shaaciyey Maalinta codka kalsoonida loo qaadayo Wasiirada cusub

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah uu jiro Kulanka Golaha Shacabka

Ajendaha kulanka ayaa la sheegay inuu yahay cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka barnaamijka Xukuumaddiisa ayuuna ka hor akhrin doonaa isagoo ka dibna weydiisanaya codka kalsoonida.

Waxaa la saadaalinayaa in xildhibaanada Baarlamanka intooda badan ay codka kalsoonida siin doonaan xukuumada cusub inkastoo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay saluugsan yihiin hanaanka loo maray magacaabista golaha Xukuumada.

- Advertisement -