Puntland oo si adag uga hadashay Wararka sheegaya in ay ku lug laheyd Dagaalkii Guriceel

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyay in dagaalkii ka dhacay magaalada Guriceel ku lug lahaayeen dad Soomaali ah ay ku jiraan siyaasiyiin iyo kuwa ajaaniib ah.

Warkan markii uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Galmudug ayaa soo baxayay warar sheegaya in Puntland si weyn u tagaeertay kooxda Ahlu Sunna ee duulaanka ku qaaday magaalada Guriceel ayna hogaanka Ahlu Sunna joogaan gudaha Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka la faafiyay ee sheegaya in Puntland taageero kala duwan ku siisay Ahlu Sunna duulaanka ay ku qaadeen Guriceel.

Sanyare ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay in maamulka Puntland ku lug laheyd dagaalkii ka dhacay Guriceel, waxa uuna cadeeyay in Puntlanad aysan dagaalka ku lug laheyn wax taageero ahna aysan siin Ahlu Sunna.

“ iska daa in ay raali ka nahay in uu qof ku dhinto Galmudug, waxa aaanan marnaba raali ka ahayn in qof ay qodax ku mudo aaggaas,Waxaan caddeynaynaa in anaga iyo Galmudug aan leenahay hal cadow oo ay tahay in aan si wadajir ah ula dagaalanno waana cadowga argagixisadda, ayuu yiri Sanyare.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in Puntland iyo Galmudug leeyihiin hal cadwa oo ah Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ay diyaar u yihiin in Galmudug ka taageeraan sugida amaanka deegaanadeeda.

Warkan kasoo baxay Puntland ayaa imaanaya xili si weyn loogu tuhmayo maamulkaasi ay taageerayeen kooxda Ahlu Sunna, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Hogaanka Ahlu Sunna ay joogaan gudaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -