AMISOM oo si adag uga jawaabtay Eedeyn culus oo uga timid kooxda Ahlu Sunna

Qoraal kasoo baxay Hogaanka Ahlu Sunna ayaa lagu eedeeyay ciidamada Nabad ilaalinta u Jooga Soomaaliya ee  AMISOM in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii xooganaa ee ka dhacay magaalada Guriceel .

War saxaafadeed kasoo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu beeniyay eedeynta uga timid Ahlu Sunna, waxa ayna AMISOM sheegeen in been abuur tahay eedeynta loo jeediyay ayna tahay mid la doonayo in khilaaf looga dhax abuuro AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed.

AMISOM ayaa sheegtay in howlgalka milatari ee u joogaan Soomaaliya ay tahay in la wiiqo awooda Al Shabaab ayna taageeraan ciidamada Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxa ayna walaac ka muujiyeem eedeynta Ahlu Sunna uga timid.

Warkan kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM oo fulinaysa waajibaadkii loo igmaday, ay xoojisay ciidamadeeda ku sugan Dhuusamareeb, si ay u sugaan ammaanka doorashada, balse aysan jirin wax taageero ah oo ay siiyeen dowladda Soomaaliya heer qaran iyo mid gobol si ay ula dagaalamaan Ahlusunna Waljamaaca.

AMISOM ayaana cadeesay in aysan ka qayb qaadan iska-hor-imaadyadii hubeysnaa ee dhiigga badan ku daatay ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca ee ka dhacay magaalada Guriceel .

Qoraalka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay tan iyo markii dagaalka ka bilowday Guriceel iyaga iyo beesha Caalamka ku abaqayeen in la joojiyo dagaalka ka socda Guriceel khilaafka jirana lagu xaliyo wadahadal.

Hadalkan kasoo yeeray AMISOM ayaa jawaab u ahaa eedeyntii kaga timid kooxda Ahlu Sunna , kuwaa oo sheegay in AMISOM taageertay ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug loona adeegsaday ciidankooda hubka AMISOM leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -