Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Bangiga Aduunka oo qaatay Go’aan ka dhan ah Milatariga Talada Sudan la wareegay

Milatariga dalka Sudan ayaa afgembi ku sameeyay Xukuumadii Rayidka aheyd , waxaana mar kale talada dalkaasi gacanta u gashay milatariga dalkaasi oo horey afgembi ugu sameeyay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir.

Bangiga Aduunka oo dhaqaale ku taageeri jiray dowlada Sudan ayaa shaaca ka qaaday in ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku kaalmeyn jireen dowlada Sudan, kadib markii milatariga xoog ku rideen dowladii rayidka aheyd.

Milatariga talada Sudan la wareegay ayaa xiligan wajahaya cadaadis xoogan oo caalamka kaga imaanaya, waxaana loogu baaqayaa in markii kale talada dalka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Midowga Afrika ayaa hakiyay xubanimadii Sudan ee Midowga Afrika, dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale joojisay $700m (£508m) oo gargaar ah oo ugu tala galeen in ay ku caawiyaan dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Sweden oo xireysa Iskuulo islaami ah & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Warbixintii ugu dambeysay ee laga soo saaray Soomaaliya iyo cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Dagaalka oo ku fiday Muqdisho iyo Madaafiic culus oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---