Warbixintii ugu dambeysay ee laga soo saaray Soomaaliya iyo cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka laga helay 25 kiis oo Coronavirus ah 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Meelaha laga helay ayaa kala ah Somaliland:17, Banaadir 7 iyo 1 kiis oo laga diiwaan geliyey Koonfur galbeed, iyadoo degaanada kale ee dalka aan laga helin kiisas cusub oo la xiriira cudurkan sida ku xusan qoraalka Wasaarada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka bogsadeen 8 ruux taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 837, halka dhimashadu ay weli mareyso halkii ay horey u joogtay oo ah 90 qof.

Wadarta guud ee tirada Covid-19 laga helay guud ahaan dalka ayaa gaartay 2,860 waxayna u muuqataa in cudurka uu haatan ku socdo marxalad dhamaad ah dalka oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -